Xmjs oo barlamaanka ugu baaqey in meesha laga wareejiyo xukuumada uu hugaamiyo dr cabdi faarax shirdoon saacid.

0
520

Gud.kuxigenka ahna kusimaha gudomiyaha xmjs cali maxamed nuux timajilic ayaa sheegey in xukuumada dr saacid ay ku fashilantey hawlihii laga sugayey,ayna been ka horsheegeen xubnaha ka jawaabey su’aalaha ka yimid xubnaha barlamaanka soomaaliya.

Marka hore anagu hadaan nahey xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed waan ku hambalyeyneynaa xubnaha barlamaanka hawsha dastuuriga ah ee ay ku guda jiraan,hase ahaatee r/wasaaraha iyo wasirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranku kama runsheegin su’aalihi la weydiiyey,waana wax laga xumaado in masuul lagu aaminey hawsha qaranka kuna dhaartey magaca alle uu si cad been u sheego walibana ku faano sidaas awgeed waxaan xubnaha barlamaanka ka fileynaa dib u eegid jawaabaha ay xukuumadu bixisey ayuu yiri cali timajilic oo warbaahinta la hadlayey.

Hadalka iyo dhaliisha uu soo jeedinayaan madaxda iyo xubnaha xmjs ayaa kusoo beegmeysa iyadoo ay xubnaha xisbigu dhawaan shir ay muqdisho ku yeesheen ay ku soo saareen in ay wixii waqtigan ka danbeeya ay sheegi doonaan dhaliilaha iyo amaanaha xukuumada waqtigan uu hugaamiyo dr saacid.