Dowladda oo La Wareegtay Deegano ka tirsan gobolka Bakool oo AL Shabab horey gacanta ugu hayeen.

0
482

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ee Koofur Galbeed dalka somalia Ciidamada Militaarka Somalia ay La Wareegeen gacan ku heynta deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolkaas.
Dagaallo saacadii ugu dambeeyay ciidamada dowladda ay kula galeen Al SHabab deegaanka Garasweyn oo qiyaastii 50Km u jirto magaalada Xudur ugu dambeyn la wareegeen gacan ku haynta tuuladaas.
Sidoo kale waxay ciidamada dowladda dagaal kula wareegeen deegaan magaciisa lagu sheegay Abagbede oo isna u dhow xarunta gobolka Bakool ee Xudur.
Ciidamada militaarka dalka Somalia ayaa intaas ku daray inay dagaalkaas ku qabsadeen sida ay sheegeen hub iyo saanad kale isla markaasna ay qasaaro xoogan gaarsiiyay Dagaal Yahanadda AL Shabab.
Maxamed Macalin Axmed oo ah Guddoomiyaha degmada Xudur ayaa u sheegay warbaahinta gudaha inay guulo ka gaareen dagalada ay AL SHabab kula galeen Gobolka Bakool isla markaasna ay sii wadayaan dagalada ay kaga horjeedaan AL Shabab.