Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka c/kariim xusen guuleed oo maanta hortagey barlamaanka iyo su’aalo la weydiiyey.

0
490

Waxaa maanta hortagey xubnaha barlamaanka soomaaliya wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka c/kariim xuseen guuleed iyadoo la weydiiyey su’aalo la xiriira amniga waxeyna qaar kamid ahaayeen sidan:-

s xildhibaan kamid ah xildhibaanada barlamaanka ayaa wasiirka weydiiyey md.wasiir waxaad barlamaanka sharaxaad ka siisaa dhacdadii dhacdey 13/march/2013ka ee lagu diley maxaabiis ku jirtey xabsiyada hey’adda nabadsugida?
A)maxaad ka qabatey markii falkaasi dhacey?

J/wasirka arr/gudaha:-
marka hore waan salaamayaa gudoonka xubnaha barlamaanka iyo saxaafadaba,s/kadib markii arintan aan maqalney waxaan la xiriirey madaxda hey’adda nabadsugida qaranka,waxeyna noo sheegeen in ay gacanta ku dhigeen labo xubnood oo xilal muhim ah u hayey xarakada alshabaab kuwaasoo su’aalo la weydiiyey kadib sheegey in ay macluumaad ka siinayaan hey’ada hababka ay uga hawlgalaan gobolka banaadir,kadibna ay shirqool geliyeen ciidamadii wadey kadibna ay ku dhinteen hal askeri oo nabadsugida qaranka ahina wuu ku dhaawacmey.
J/a waxaan ka qabaney ugu horeyn waxaan horgeyney xukuumada waxaana loo magacaabey gudi soo baara warbixinti iyo baaritaankuna wey socotaa.
Waxaan isbedel kusameyney madaxdi hey’adda nabadsugida qaranka waxaana xil ka qaadis lagu sameeyey agaasimihii hey’adda iyo labadii kuxigeenadiisa ahaa.
Waxaana la magacaabey xubno kale oo kumeelgaar ah,mar dhawna waxaan soo magacaabidoonaa xubno si rasmi ah uga hawlgala hey’adda nabadsugida qaranka.

S/xildhibaan:-
md wasiir markii ay soo baxdey digniintii sirdonka ingiriiska waxey xukuumadu sheegtey in aysan jirin wax cabsi xaga amniga ah maxaad u daliishateen?maxaadse ka qabateen dhacdada kadib?
J/wasiir:-
xogta ingiriiska waan la wadaagney anaga ayeyna naga heleen macluumaadka,mana aheyn mid gaarsiisan heerka ay gaarsiiyeen hadalka wasirka warfaafintuna wuxuu ahaa mid aan kaga hortageyney khal khal ku yimaad amniga iyo bulshada.
J/wasir:-
markii uu dhacey weerarki lagu qaadey maxkamadaha waxaan ku guuleysaney in ay ciidamadu yareeyaan dhibaatada ay geysankarayeen xubnaha alqaacida waxaana lagu guuleystey in la laayo dhamaan intii weerarka sooqaadey,waxaa laga soo abaabuley degaanka lafoole,waxaana hada xir xiran dad badan oo lagu tuhunsanyahey in ay weerarkan ku lug lahaayeen ama fududeeyeen,cidii ay ku cadaatana sharciga ayaan horkeeni doonaa.

Waxeyna su’aalahan iyo jawaabahan oo intan ka badani kusoo beegmayaan iyadoo barlamaanka iyo bulshaduba aad u dhaliilayaan xukuumada saacid iyo wax qabadkeedaba.