Dalka Uganda oo Saraakiil Ciidamada Xooga Tababar Siinayso.

0
516

Waxaa Maanta ka dhoofay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaas oo u ambabaxay dalka Uganda halkaas oo ay ku soo qaadan doonaan tababar dhanka Militaarka ah.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Militariga Somalia ayaa u sheegay Warbaahinta in Ciidamada maanta la qaaday ay yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda kuwas oo tababar aqoon Kororsi ah ku aaday dalkaas.
Waxaa Tababarkaan bixinayaan saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda iyo dowlado kale oo Soomaaliya ka caawiya dhanka tababarka ciidanka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Mar wax laga weydiiyay abaanduulaha cabashooyin ka soo yeeray shacabka isticmaala wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Afgooye halkaas oo ay kooxo ku labisan dharka ciidanka ku dhibateeyaan waxa uu tilmaamay in cabashadaas ay jirtay balse ay haatan ku howlan yihiin sii looga hortagi lahaa.
Ugu dambeyn ayaa waxaa uu ku hanjabay abaan Duulaha Ciidamada Militariga inay dhawaan la wareeegi doonaan Deeganada al gacanta ku hayaan AL SHabab.