Wariye maxamed ibraahim raage oo kooxo hubeysani ku toogteen degmada dharkeynley ee gobolka banaadir.

0
452

Waxaa galabta maqribnimadii lagu diley isagoo hor fadhiya gurigiisi dunida ex- wariye maxamed ibraahim raage oo ka hawlgalayey tvga iyo idaacada raadiyo muqdisho.

Allaha u naxariistee wariyaha ayaa dhawaan ka yimid dalka debediisa gaar ahaan ugandha oo uu in mudo ahba ku maqnaa waxaana toogtey labo dhalinyaro ku hubeysan bistoolado,iyagoo markii danbana ka baxsadey goobti ay wax ku dileen,falalka lagu beegsanayo wariyeyaasha ayaa kuwo joogta ah,lamana hayo wali qof loo soo qabtey oo la marsiiyey ciqaabti uu mudnaa.

Ex wariye maxamed ibraahim raage ayaa la sheegey in uu ahaa nin aad u wanaagsan oo hawshiisa si wanaagsan u guta dabeecad iyo dad la dhaqan wanaagsan,waxaana maanta ku ekaa waqtigii dunidan uu ku lahaa ee allaha u naxariisto eheladii uu ka tageyna samir iyo iimaan haka siiyo (inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun).