Xukuumada Somaliya Oo Ansixisay La Dagaalanka Argagixisada, Iyagoona Magacaabay Safiir Somaliya U Fadhiya Ingariska.

0
473

Shirkii golaha wasiiirada oo uu
shir gudoominayay Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaaliga
ah ee Soomaaliya mudane Cabdi
Faarax Shirdoon Saacid ayaa
waxaa lagu ansixiyay xeerka cusub ee la dagaalanka
argogixosada, ayadoona sidoo kale
lagu magacaabay safiirka cusub
ee Soomaaliya Dalka Engariska U Fadhiya.

Shirkaani golaha wasiirada ayaa
looga dooday laguna ansixiyay Xeerka La-dagaalanka
Argogixisada oo kamid ah qorshaha cusub ee dawladdu ku doonayso inay kula dagaalanto
kooxaha argogixisada ayna ku hananato gabi ahaanba amniga
dalka Soomaaliya Ay Ka Dagaalamayaan Kooxda Xirirka La Leh Al-Qacidada Ee Al-Shabaab.

Baarlamaanka Ayaa Dhawaan Lagu Wadaa In Ay Ansixiyaan Xeerkani Iyadoona Ra’iisul Wazaare Saacid Uu Sheegay In Xeerkani Ay Tahay mid muhiim ah oo qeyb ka ah qorshaha dawladdu
ay kula dagaalamayso
argogixisada isla markaana ay ku
doonayso in ay si buuxda ugu
hanato guud ahaan amniga dalka.

Kulanka Ayaa Lagu magacaabay safiirka cusub ee dalka Soomaaliya u fadhiya
Ingiriika Danjire Cabdullahi
Maxamed Cali (Sanbololshe) kadib markii ay soo gudbisay Wasaarada
Ariimaha Dibaddu Ee Soomaaliya.