Ahlu Sunna Oo Sheegtay Madaxda Dowlada Iney Isku Afgarteen In Ciidamo Police-Ah La Geeyo G/ Gal-Gaduud.

0
495

Culumaa’uddiinka Ahlu sunna Waljamaaca Ee gobolada dhexe
soomaaliya ayaa waxaay sheegeen in dhawaan la dhaqan
galin doono heshiiskii ay kala
saxiixdeen dowlada federaalka
Soomaaliya iyo culima udiinka
ahlu sunna waljamaaca gobolada
dhexe ee dalka kaasi oo dhawaan heshiis ka koobnaa 7-qodob Ay Isla Gaareen ka dib mar uu Safarka ku tagay gobolka
Galgaduud Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) Ra’iisul wasaaraha
xukuumada Soomaaliya.

Gudoomiyaha 3-aad ee golaha ahlu
sunna waljamaaca Sheekh Ibraahim Guureye ayaa sheegay in
qorshaha dhaqan galinta heshiiskaasi uu marayo heer
gaba gabo ah, wuxuuna tilmaamay in markii hore
qorshuhu ahaa in si dhaqso ah
loo meelmariyo heshiiskaasi
balse uu dib u dhan ku yimid ka
gaddagl markii Ay mashquul iyo
safaro galeen madaxda dowlada.

Sheekh Ibraahim Guureeye ayaa Sidoo Kale tilmaamay iney dowlada federaalka Waqtiyo badann lasoo xiriireen haatan sida uu sheegayna
dhankooda Ay diyaar u yihiin dhaqan galinta heshiikaasi.

Gudoomiye
Sheekh Guureeye ayaa Ugu Dambeyntii Waxa Uu tilmaamay
in amniga deegaanada ay
gacanta ku hayaan ahlu sunna
waljamaaca uu yahay mid sugan,wuxuuna carabka Ku Dhuftay in
deegaanadaasi ay ka jirto baahi
weyn oo loo qabo dhanka ciidanka
boolis ah oo ka hawlgala gudaha
magaalooyinka isagoona hoosta
ka xariiqay in maalmaha dhow la
hawl galin doono ciidan boolis
ah oo suga amniga gudaha
deeganada uu ka kooban yahay
gobolka Galgaduud.