Ciidamada Midowga Afrika oo howlgallo Baaritaan ka sameyay Afgooye.

0
508

Kadib markii Degmada afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose Xalay Bam gacmeed lagu weeraray meel u dhaw xarunta degmadaasi waxaana Bamkaasi oo ku qarxay Bangiga Afgooye halkaasi oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah ay saakay ciidamada midowga Afrika ay baaritaanno ka sameeyen halkaas.
Ciidamadaan ayaa baaritaan ku sameeyay dhamaan goobaha ganacsida sida xarumaha shirkadaha isgaarsiinta,xawaalada iyo kuwa ganacsiga.
Xalay ayay ahayd markii Goob lagu shaaheeyo oo ku taallo degmada Afgooye ay kooxo dhalinyaro ah ay ku tuuren bam gacmeed isla markasna la sheegay inuu dhaawac culus kasoo gaaray gabar iibinaysay shaah taas oo dhaawaceeda uu yahay mid culus.
Si kastaba degmada Afgooye ayaa dowladda ay la wareegtay bartamihii sanadkii hore kadib muddo sanado ay kooxda AL Shabab gacanta ku haysay.