Qaraxyo Ay Ku Dhinteen Muwaadin Mareykan Ah Oo Ka Dhacay Dalkaasi Iyo Obama Oo Ka Hadlay.

0
484

Wararka ka imaanaya
Mareykanka ayaa sheegaya in
sedax qarax ay ka dhaceen goob
ay ka socdeen ciyaaradaha
orodada Maaratoonka loo yaqaan,booliska Mareykanka
waxay sheegeen in dhimashadu
ka badantahay 6 qof
dhaawacuna uu kasii badanayo
100 qof oo ubadan dadkii Ku Sugnaa goobta.

Telefeshinada Mareykanka ayaa
baahiyay muuqaal muujinaya
Qarax lakacaya laba orodyahan
kadibna waxaa la arkayaa dhiig
qubanaya maxadadii ay ka socdeen ciyaaradaha orodada Loo Yaqaan.

Madaxweynaha
Mareykanka Obama ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay
in lasoo qaban doono ciddii weerarka geysatay cadaaladdana
lasoo taagi doono balse boolisku
waxay leeyihiin “weli mahayno
cid aan u qabanay qaraxyadii
Boston” Ka Dhacay.