Maamullada puntland iyo somaliland oo heegan adag geliyey ciidamada amniga kadib markii ay ku quusqaateen weerarki alshabaab ay ku qaadeen hey’adda garsoorka soomaaliya.

0
503

Sida ay ku soo waramayaan wariyeyaasha noogu sugan puntland iyo somaliland ayaa waxaa heegan adag la geliyey ciidamada amniga ee ay maamulladaasi leeyihiin.

Waxaa sidoo kale baaritaano adag laga sameynayey wadooyinka magaalada hargeysa,iyadoo laga baqayo weeraro la mid ah kuwa shaley dhacey,waxaana laga yaabaa in maamullada s/land iyo p/land ay xasuusteen digniinihii ay soo saartey dawlada ingriiska oo sirdoonkoodu qorsheeyeen kana digeen in ay suuragal tahey weeraro lagu qaado meelaha ay kamidka yihiin somalia,s/land,iyo p/land.

Dhanka kale maamulka puntland ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka lagu qaadey dhismaha garsoorka soomaaliya,oo ay ku dhinteen dad ku dhaw sodon qof 30,kuna dhaawacmeen in ka badan 55 qof,waxeyna baqdintani imaneysaa iyadoo dhawaan wadahadalo ugu soo dhamaadeen soomaaliya iyo s/land,isla markaana loo balansanyahey 7 may shirka london oo daba socda kan ankara kusoo gabangaboobey.