R/wasaare saacid oo kormeerey dhismihii garsoorka ee shaley la weerarey sheegeyna in debedda lagu soo daweynayo dadka dhaawacoodu halista yahey.

0
438

R/wasaare cabdi faarax shirdoon ayaa maanta booqdey dhismihii garsoorka qaranka ee shaley la weerarey,isagoo sidoo kale booqdey dadki dhibaatadu kasoo gaartey weerarki shaley ay dagaalyahanada alshabaab ku qaadeen dhismaha ay ku shaqeeyaan maxkamadaha qaranka soomaaliya.

R/wasaaraha ayaa cambaareeyey weerarkan ay xarakada alshabaab sheegatey isagoo ku tilmaamey mid aan loo miidaan dayin laguna qaadey dad rayid caddaalad usoo doontey maxkamadaha kala duwan ee dalka,sidoo kalena waxa uu r/wasaaruhu sheegey in lala xisaabtami doono kuwa la rabey in ay ka hortagaan ficilkan,lana abaalmarindoono kuwa geesiyada ah ee ka hortagey waxa dhacey wax kasii daran.

R/wasaare saacid ayaa sheegey in ay ilaa hadda hayaa 29 qof oo dhimasho ah iyo 58 dhaawac ah ayna todoba dhaawac daran ah debedda kusoo daweynayaan,waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo r/wasaare saacid uu kormeer kusoo kala bixey wadamo ay ciidamo ka joogaan soomaaliya,dawlada ingriiskuna ay hore u bixisey digniino tilmaamaya in qaraxyo ay kusoo wajahanyihiin somaliland iyo somaaliyaba,hase yeeshee aan waxba laga soo qaadin.