“Nabadoon Xaad” Al-Shabaab Waxay Caadeysteen Iney Cabaan Dhiiga Muslimiinta.

0
476

Nabadoon Max’ed Xasan Xaad Oo Ah Gudoomiyaha Odayaasha
dhaqanka iyo Midnimada beelaha
Hawiye ayaa Si Kulul U cambaareeyay
weerarkii lagu qaaday maxkamada gobolka Banaadir Kaa Oo Ku Geeriyoodeen Dad Farabadan.

Dagaalyahanada Al-shabaab Weerarkaasi Ay Maanta Qaadeen Islamarkaana Ay ku dhawaad 20
ruux ku dhinteen ayaa waxaa
uu ku sheegay inay ahaayeen kuwa wuxuushnimo ah oo ay gaysteen kooxo uu ku tilmaamay
manaxayaal dhiiga Islaamka caba.

Nabadoon Xaad Ayaa Ciidamada dowlada ku amaanay kaalintii ay ku lahaayeen in ay ku guulaystaan
qabashada maxkamada iyo bad
baadinta dadka shacabka ah ee
kusugnaa xarunta maxkamada
gobolka Banaadir.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay masuuliyada weeraradii ka
dhacay magaalada Muqdisho ee
qasaaraha xoogan gaystay, iyagoona Weerarkaasi tilmaamay inuu Yahay Mid Ay
Guul Ka Gaareen.