“Sh.Cali Dheere” Gaalada Iyo Murtadiinta Muqdisho Uma Ahan Janno Nabadeed.

0
515

Afahayeenka Guud Ee Dhaq Dhaqaaqa Al-Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage Sh.Cali Dheere ayaa sheegtey masuuliyadda
weerarka Maanta, waxaana Uu sheegey in ay maanta qaadeen weerar ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya Askar Iyo Saraakiilna Ay Ku Dileen.

Sh. Cali Dheere ayaa sheegay in ciidamo boqolaal gaaraya oo
dowladda ka tirsan ay ku sugnaayeen Dhismaha hortiisa
isla markaana Mujaahidiinta
ay u suurta gashey in Ay la wareegaan dhismahaas Mudo 2 Saacadoodna Ay Ka
dagaalamayeen.

Afahayeenka Al-Shabaab Ayaa Sidoo Kale sheegay in
ay kaga dhimatey weerarkaasi 5
ka mid ah Ciidankoda, isla
markaana ay dileen 27 kamid ah
Dowladda oo ay ku jiraan Saraakiil Ciidan.

Cali Dheere ayaa sheegay in
weeraro cayn kanoo kale ah Oo laga
fuliyo Muqdisho iyadaoo ay tahay dharaar cad ay calaamad u tahay isla markaana Muujineyso
awoodda iyo galaangalka ay ku
lee yihiin Muqdisho.

Hadalkaani Al-Shabaab ka soo saareen weerarkii maanta ayey ku sheegeen in ay tahay
fariin ay dirayaan taas oo ah In
“Muqdisho aysan u ahayn Dowladda Janno nabad ah”Al-shabaabna Wali Aysan Wiiqmin Awooddii Ay Leheed.