“Abu-Muscab” Askarta Cadowga Aan Ku Weerarnay Magaalada Marka Baqtigooda Waxa Lagu Daabulayey Diyaarado.

0
470

Sheekh C/casis Abu-Muscab Afhayeenka dhinaca howl galada Xarakada Alshabab oo la hadlayay Warbaahinta ayaa ka
warbixiyay Howlgalo Isugu Jiro Weeraro Iyo Qaraxyo Ay Ka Sameeyeen Qeybo Ka Tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya.

Abu-muscab Ayaa Waxa uu sheegay In
shalay barqadii
ay qarax miino ah ugu aaseen
meel ay biyo ka dhaansan rabeen
ciimada Kenya ee ku sugan degmada Afmadow ee xarunta
gobolka Jubada
dhexe wuxuuna
tilmaamay In ay booyad ay ciidanka
Kenya biyo ku dhaansan rabeen
ay haleeshay miinadu gaari kalena ay waxyeel ka soo gaartay iyadoona sida uu sheegay ilaa 7-askar kenyaan Ah ay ku dhinteen qaraxaasi.

Sidoo Kale Waxa Uu Xusay Afhayeenka dhanka howl galada Ee Al-Shabab Sheekh Abu Muscab In dagaal magaalada Marka ee
xarunta gobolka Shabeellaha
hoose kula galeen ciidamada
Dawlada iyo AMISOM ,waxaana uu shaaciyay inay qasaaro ba’an
halkaasi ku gaarsiiyeen Dagaalyahanada Al-shabab waxaana uu
sheegay in ay dhawacyada iyo
maydadkooda ay daad guraynayeen
diyaarada Hilikoptar Ah.

Hadalkaani Ka Soo Yeeray Afahayeenka Ciidamada Al-shabab Abu-muscab Ayaa Imaanaya Xilli qaraxyo Iyo Weeraro ka gaysteen degmada
Afmadow iyo magaalada Marko
ciimada dowlada soomaaliya iyo kuwa AMISOM Iyadoona
ay jirin wax war ah Oo ka soo baxay saraakiisha
ciidamada Dowlada ee ku sugan gobolada Jubbada Dhexe Iyo
Shabeellaha Hoose.