Gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya maxamed sh cismaan jawaari ayaa la kulmey jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool dalka swiden.
Gudoomiyaha ayaa jaaliyadda uga warbixiyey xaalada dalku marayo iyo waxyaabaha u qabsoomey xubnaha baarlamaanka iyadoo aanu baarlamaanku wali qabanin hawlo badan oo qaranku u dhutinayo.
Barlamaanka soomaaliya ayaa isagoo leh gudiyo iyo xeerhoosaad kormeero uu gobolada ku tagey ku aadey qaab qabyaaladeysan,sida iyadoo gobol kasta loo dirayo xubnaha gobolkaas kasoo jeeda ama u dhashey.
Waa markii ugu horeysey ee gud.barlamaanku la kulmo jaaliyada degen dalka swiden,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo madaxda dalka ugu sareyso ay dalka debedda uga maqanyihiin,ayna tahey arin dastuurka xadgudub ku ah.




