Maamulka Cusub Gobolka Hiiraan oo xilka la wareegay.

0
220

Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay maamulka cusub ee dowladda federaalka ay u magacowday gobolka Hiiraan kaddib xaflad xil-wareejin ah oo lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka .

Ka dib Wareegto ka soo baxay xafiiska madaxweynaha jamhuuriyada federaalkas Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maamul ku-meel-gaar ah loogu magacaabay gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan ayaa loo magacaabay Cabdi Faarax Laqanyo, halka guddoomiyaha degmada Beledweyne loo magacaabay Cabdi Bashiir Aadan,sidoo kalena waxaana guddoomiye ku xigeenka 1-aad degmada Beledweyne isna loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cumar, guddoomiye ku xigeenka labaad, Bashiir Xuseen Dhoorre iyo guddoomiye ku xigeenka saddexaad, Cabdikariin Shire Cabdi, halka xog-hayaha degmada Beledweyne loo magacaabay Maxamed Macallin Xasan.

Maamulka cusub ee looo magacaabay gobolka Hiiraan ayaa shaqeyn doona sida la sheegay muddo lix bilood.
Munaasibada xilalka kula kala wareegeen guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo iyo guddoomiyihii hore Cabdifitaax Xasan Afrax oo ka dhacday magaalada Beledweyne. ayaa Waxaa xafladda ka qeyb-galay wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya, saraakiil ka tirsan AMISOM, maamulkii hore ee gobolka Hiiraan .

Cabdifataax Xasan Afrax Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo ka hadlay xaflada xil wareejinta a ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo maamulka cusub ee loo magacaabay gobolka, isagoo sheegay inuu si farxad leh ku wareejiyay xilka.

Dowladda federaalka soomaaliya ayaa haatan wada isbadalo ay ku sameenaayo maamulo cusub ,iyadoona taasi qayb ka tahay dadaalada lagu doonayi inay gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya si bada ay u soo galaan gacanta Dawlada federaalka soomaaliya.