Madaxweyne Xasan Sheekh oo kula Dar Daarmay Ciidamada iney u istaagaan soo celinta nabadgelyada dalka.

0
509

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baqay ciidamada Qalabka sida inay u istaagaan sidii looga mirodhalin lahaa guulaha laga gaaray horumarinta iyo soo celinta amniga dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in dalkan uu u taaganyahay waqtigii dib u dhiska, hasa yeeshee ciidammada Qalabka Sida looga fadhiyo in ay qaataan kaalinta uga aadan dhismaha dalkooda, isagoo hoosta ka xariiqay in caalamku uu u heellanyahay gacan siinta Soomaaliya.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu uga Mahadceliyey saraakiisha ciidammada AMISOM, sida ay ciidammada uga Caawinayaan dhinaca Tababarrada, sidaa darteedna ay ku ixtiraamayaan Abaalka ay dalkan u galeen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaailya ayaa ka hadlay la macaamilka Wadamada ajnabiga ah ee aysan qaarkooda ogoleyn Baasaboorka Soomaaliga ah in dowladda ay uga dhaqmi doona sida ay u soo dhaweeyaan.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasibaddii shalay uu kula hadlay Boqolaal ka tirsan ciidammo Boolis ah oo uu tababar loogu soo xiray dugsiga Tababarrada Akadeemiyada General Kaahiye.