Ergayga Midowga Afrika u
qaabilsan Soomaaliya Denjire
Mahamed Salah Annadif oo uu
weheliyo Sarkaalka u sareeya
ciidamada AMISOM ee Soomaaliya
Lt. General Andrew Gutti,
Agaasimaha xafiiska Qaramada
Midoobey ee taageera AMISOM
Amadou Camara iyo saraakiil kale
ayaa booqdey magaaladaasi.
Wefdiga ayaa uga mahad celiyey
ciidamada AMISOM doorkii ay ka
qaateen, ka saarida al-Shabaab
ee halkaas, taas oo ay dedaal
dheeraad ah ku bixiyeen
ciidamada Kenya iyo kuwa
Qaranka Soomaaliya.
Danjire Mahamed Salah ayaa
ujeedka safarkiisu ahaa sida lagu
sheegay war-saxaafadeed ka soo
abxay AMISOM in uu u kuur galo
caqabadaha dhanka Loojistikada
iyo xaaladda nololeed ee
ciidamada halkaas ku sugan,
sidoo kale in u wax ka ogaado
macluumaad ku saabsan
dhoofinta dhuxusha oo dekadda
Kismaayo caan ku ahayd taas oo
xanibaad lagu soo rogey.
Booqashada wefdigan ayaa ku
beegmeysa iyada oo shirkii
dhismaha Jubbaland marayo
meel fiican isla markaana ay ku
sugan yihiin halkaas ergooyin
boqolaal kor u dhaafaya,
waxaana maalmaha soo socda
shirku dooran doonaa
Madaxweyne iyo laba ku xigeen.




