Xildhibaanada barlamaanka soomaaliya oo ku kala aragti duwanaadey maamul u sameynta kismaayo.

0
528

Waxaa soo shaacbaxaya kala duwanaansho u dhaxeysa xukuumada iyo qaar xildhibaanada kamid ah iyo xildhibaanada laftoodaba,waxaana ka muuqda shirka kismaayo lafta jecli ludda jecli oo micnaheedu yahey in ay jiraan fekrado ay xukuumadu hoos ka taageereyso,iyo xubno kasoo horjeeda sida ay wax u socdaan.

Dhawaan markii r/wasaaraha iyo qaar ka tirsan xukuumadu kismaayo tageen ayna is afgaranwaayeen maamulka raskamboodi iyo dawlada dhexe ee soomaaliya,waxaa fekrad soo jeediyey qaar xildhibaanada ka tirsan kuwaasoo sheegey in dawladu gar leedahey balse ay kusoo riixayaan meel leysugu imaan karo kuwaasoo loo ogolaadey,waxeyna maanta ka hadlayaan media iyagoo sheegaya in maamulka dadku doonayaan waa in loo ogolaadaa iyagoo dawlada ku dhaliiley in xukuumadu doorkeedi lumisey.

Waxaase yaab ah in xukuumada oo sheegeysa in shirka kismaayo ka socdaa uusan sharci aheyn hadana uu shirku socdo,waa maxey waxa ka hortaagan xukuumada in ay shirka gebi ahaanba la joojiyo ayna maamul u magacawdo gobolka j/hoose,sida gedo ay maamulka ugu magacawdey?

Waa markii ugu horeysey ee ay soo shaacbaxaan kala duwanaasho xaga fasiraada dastuurka qodobo kamid ah,sida lawada ogyaheyna soomaaliya waxaa loo sheegey in dastuur wax lagu sheegey loo sameeyey isla markaa horaa loo yiri xarig habeen nin aan kuu furi doonin yuusan kuu rarin taas oo ah mida maanta soomaali ka dhex taagan.