Waxaa caawa ka dhacey dilal dhawr ah magaalada gaarisa kuwaas oo ay geysteen dad hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn.
Waxaa isasoo taraya dilalka kusoo kordhaya gobolka w/bari kaas oo ay dawlada kenya ku sheegto in ay amniga gobolada soomaalidu degto ee dalka kenya leysku haleyn karo,sheegteyna in ay ciidamo u dirtey gudaha dalka soomaaliya ayna kaga hortagayaan weerarada ay kusoo qaadaan dagaalyahanada xarakada alshabaab.
Maahan markii ugu horeysey ee dad lagu laayo gudaha dalka kenya,waxeyna dilalkani imanayaan iyadoo xaflad sagootin ah loo sameeyey m/weynihii hore muwai kipaki kaas oo uu bedelidoono m/weynaha cusub uhuuro kenyata oo dhawaan maxkamadi xukuntey in uu yahey m/weynaha kenya.




