Waxaa maanta muqdisho ka dhacdey munaasabad uu xilka ku wareejinayo agaasimihii hore ee hey’adda nabadsugidda qaranka axmed macalim fiqi,isagoo xilka ku wareejiyey c/kariim xasan daahir oo m/weyne xasan sheekh magacaabey si kumeelgaar ah.
Munaasabada oo ay kasoo qeyb galeen xildhibaano,saraakiil iyo marti sharaf munaasabada lagu casumey ayaa waxaa ka hadley axmed macalim fiqi oo sheegey in hey’addu ku talaabsatey horumar waqtigii uu xilka hayey,isagoo u mahadceliyey ciidankii la soo shaqeeyey uuna ku faraxsanyahey xilka uu baneynayo rajeynayana in qofka maanta i bedelaya lala shaqeyn doono isna uusan waxba ka hagrandoonin wixii awoodiisa ah.
Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadley xildhibaano culimada iyo saraakiil ciidamada kamid ah,waxaana ugu danbeyn goobta ka hadley agaasimaha cusub ee hey’adda nabadsugida qaranka c/kariim isagoo u mahadnaqey in munaasabada kasoo qeyb gashey iyo agaasimihii hore axmed macalim fiqi sheegeyna in hey’adu ku socon doonto jidkii fiqi uu jeexey ciidankana ka codsadey in ay la shaqeeyaan inta uu hay’adda joogo.
Waa markii ugu horeysey ee madax heerkan oo kale ah ay xilka isku wareejiyaan iyadoon cidina u kala wareejin waana arrin ku dayasho mudan oo kusoo beegmeysa iyadoo r/wasaarihi iyo wasirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranku ay safar shaqo ah ku maqanyihiin.




