Maxaad Kala Socotaa Dagaalka Warbaahinta Ee Ka Socda Soomaaliya?

0
746

Wararka Soomaaliya

Dowladda kmg oo kudhisan taageero milatari iyo mid maaliyadeed oo ay kahesho ururo iyo Wadamada Gaalada sida Maraykanka, Itoobiya, Kenya, Ugaandha iyo Ciidamada Calooshood ushaqaystayaasha ah ee kasocda dowladaha Burundi iyo Ugaandha ayaa Ciyaaraysa Door kuwajahan sidii afkeeda ay kula diriri lahayd Warbaahinta Islaamiga ah sida Idaacadaha iyo Website-yada ee laba sono kahor Iftiinkooda uu kahanaqaaday Giyiga Soomaaliya Gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Dagaalkaan warbaahineed oo dowladda kmg ay kula jirto warbaahinta islaamiga ah ee iska fogeeysay lashaqaynta Gaalada iyo Buun Buuninta wararka sal iyo raad Toona lahayn ee had iyo Goor dowladda kmg ay kumarin habaabiso shacabka kuwooda weli aanay u kala cadaan xaqa iyo Baadilka ayaa la kowsaday horaantii markii Shariif Shiikh Axmad Madaxweyne looga soo dhigay Magaalada Jabuuti ee Dalkaasi Jabuuti.

Shariif Shiikh Axmad Waxaa Xiligaasi Saraakiil Maraykan ah ay ka dhaadhaciyeen in uu Dhidibada utaago warbaahin isugu jiri doonto Idaacad Fm ah Gaar ahaan in latayeeyo raadiyaha afka Dowladda ku Meelgaarka ah ku hadla ee lagu magacaabo Radio Muqdisho iyo mustaqbalka dhaw in ladhiso Tv wararka labaahinayo usii Gudbiya Soomaalida Qurba joogta ah oo badankooda aanan xogbuuxda kahaysan Xaalada Ka aloolsan Dalka Soomaaliya.

Dadaaladaasi Reer Galbeedka ay wadeen Gaar ahaan Kuwooda ugu Cad Cad Dibindaabyada lala daba Joogo shacabka Soomaaliyeed ayaa Shariif Shiikh Axmad Waxaa sidoo kale laga dhaadhiciyay warbaahinta dhidibada loo taagayo ee Afka Dowladiisu kuhadlaysaa in loo helo shaqaale Xirfadooda warbaahineed ay aad usarayso kana mid ah raga ugu muuqday ee kahowlgalayay Idaacadaha Muqdisho.

Qaar kamid ah wariyayaashaasi oo si Hoose ay isagu jufo yihiin Shariif Shiikh Axmad Ayaa loo Xilsaaray inay isku Daba Ridaan Helista shaqaale Xirfad sare leh oo kahowl gali doono idaacad si gaar ah ugu hadasha Afka Dowlada Kmg,Waxaana taasi waqti yar kadib ay dhalisay in wariyayaasha Magaalada Muqdisho qaarkood ay kuqancaan inay kashaqo bilaabaan warbaahinta Radio Muqdisho.

Wariyayaasha ayaa Xiligaasi marmarsiyo runta kafog waxa ay kadhigteen inay kushaqeen waayeen Goobaha ay kusuganyihiin Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab,xiligaasina waxaa hadlay wariyayaal kale oo daaha si dadban ugu qaaday in raga shaqada kafariistay ay yihiin kuwa dana gaar ah leh islamarkaana aysan matali karin Wariyayaasha Muqdisho ka howlgala.

Idaacada Radio Muqdisho oo loogu talagalay in lagu jahawareeriyo shacabka Muqdisho islamarkaana la isaga horkeeno mujaahidiinta iyo Shacabka ayaa inta aysan kahowlgalin dhalinyarada hada kashaqeeysa waxaa muran xoogan uu soo kala dhex galay hay,addo shisheeye ah oo isku maandhaafay Cida Bixinaysa Mushaaraadka wariyayaasha ay kushaqeeynayaan Shanta Bilood ee ugu horaysa dib uhowlgalideeda.

Hay,ad Maraykan ah ayaa markii Danbe Lasheegay inay iyada ku guulaysatay lacagaha kubaxaya shaqaalaha idaacada iyadoo hay’ad kale oo laga leeyahay Talyaaniga iyadana ay balan kuqaaday in ay dhamaystirayso qalabka idaacada oo Guud ahaan Daxalaystay.

Wariyayaashii iscasilay ee sugtada u ahaa inay shaqeeyaan ayaa howlbilaabay dad badan oo reer muqdishana waxaa dhagahooda kusoo dhacay waxyaabo badan oo aysan jeclaysan ee lagula jeesjeesayo Shareecada islaamka Gaar ahaan Fulinta Xuduuda allaah.

dad badan oo xuduuda alaah laga fuliyay qaarkoodna cagahooda ugu soo tagay deegaano ay kusuganyihiin maamulo lashaqeeya dalalka Gaalada ayay idaacadaha gaar ahaan radio Muqdisho kadhigeen dad laqasbay shareecadana aysan qabin in xaalada dalka kajirta darteed aanan xukun lafulin karin iyadoo culumu xun xun lasoo fariisinayo radiyaha afkoodana ay kuradinayaan Xukunada Xuduuda alaah ee ladhabaqayo,Bal waayaabe kitaabka muqadaska quraanka kariimka aayadee dhigaysa in xiligaan aanan xukun xad ah lafulin karin Aqristayaasha ayaan jawaabta udaayay.

Warbaahinta Islaamiga ah Gaar ahaan Kuwa idaacadaha ah ee Xiligaan shaqeeya Waxaa ugu Muuqda Radiyaha Andalus idaacada quraanka Kariimka oo labadoodaba kuhadla afka Mujaahidiinta Soomaaliya Iyo Idaacad kale oo iyana Layiraahdo Idaacada islaamiga ah Alfurqaan oo Fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho.|

Idaacadahaan oo ay kashaqeeyaan Dhalinyaro Dusha saartay camal ay ubareeri waayeen wariyayaal kale oo kahowlgala Magaalada Muqdisho ayaa Daboolay Baahidii Warbaahin islaami oo Mudo shan iyo toban sano kabadan dadka ay tabayeen.

Dad Badan oo kunool Goobaha Dowlada ay kusuganyihiin ayaa sidii masaajida oo kale kuxiran idaacadaha islaamiga ah ee Magaalada Muqdisho iyagoo kafaaidaysta Duruusta kasoo burqanaysa idaacadaha gaar ahaan kutubta towxiidka kahadlaya oo laga joojiyay in laga aqriyo masaajid badan oo dhaca Dagmoyinka yar ee Muqdisho kaga suganyihiin Dowlada iyo shisheeyaha Burundi iyo ugaandha kasocda.

Nin suldaan u ah mid kamid ah Beelaha Soomaaliyeed ee kunool Dagmoyinka fara kutiriska ah ee Gacanta ay kuhayso Kooxda uu hogaamiyo Shariif Shiikh Axmad ayaa mar aan wada sheekaysanay waxa uu iisheegay hadal dareenkayga saameeyay taasi oo ahayd Ciidamo katirsan kuwa nabad sugida masaajid uu kusugnaa ay soo galeen deetana ay Xirxireen Dad aqrisanayay mid kamid ah kitaabada caqiidada isagana lagu amray inuu joojiyo ogaysiisyo quraal iyo soo jeedin kusaabsan oo masaajidka uu kajeedin jiray marku uu bilaaban rabo kitaab cusub oo Dadka Masaajidka uu kuwargalinjiray inay soo Gataan kitaabka labilaabayo.

Waxaa Xaqiiqo ah in Dalalka Gaalada ah iyo raga wakiil ugu ah Dhulkaan Soomaaliya aysan kufaraxsaneen Wararka aanan lagu raali galin iyo Casharada Diiniga ah ee Kabaxa Idaacadaha Islaamiga Ah ee kuyaala Magaalada Muqdisho.

Muqdisho Xiligaan Waxaa kuyaala oo kahowlgala in kabadan Shan iyo taban idaacadooda marka aad dhageesatadid guud ahaan idaacadahaasi lana sheekaysatid dadka dhagaysanaya waxaa kuu soo baxaya in intabadan dadka ay Garwaaqsadeen Xaqiiqda dhabta ah ee idaacadaha iyo ujeedada kasii danbaysa war ama barnaamij kasta ee idaacadahaasi kabaxaya.

Idaacadaan waxa ay taageertaa ciidamada amisom waxa loogu yeero, tani waxay muqdisho wakiil ugu tahay dowladda Itoobiya, idaacadaan maalmo kahor nin hebel ayay taageero u ahayd hayeeshaa hadda Waxa ay qaadatay lacag kabadan tii ay kuhaysatay ninkii hore, idaacadahan xaqa ayay baahiyaan oo Cidina uguma Cabsadaan ayay Noqotay hadal haynta ugu badan oo dadka reer Muqdisho ay hadal hayaan Xiligaan uu dalka kujiro duulaan qaawan oo dhinac kasta looga soo qaaday, iyadoo la adeegsanayo Dad muuqaalka Soomaali ka ah hayeeshee Fulinaya Dano ay leeyihiin Dalalka xuduud beenaadka aan wadaagno iyo kuwa kale oo naga baxsan.

Marka aad isbarbardhigtid idaacadaha muqdisho waa kuwa kaaf iyo kala dheeri ah waayo badankood waxa ay bilaabeen inay baahiyaan Music oo kuwa qaarba ay yiraahdeen waan kaxurownay xayiraadii horay xisbul islaam ay nagu soo rogeen laakin waxa qof waliba uu iswaydiin karo ayaa ah ilaah miyaa mamnuucay in ladhagaysto lana baahiyo music mise waa wax xisbul islaam ay layimaadeen.

Dowladda kmg inkastoo taageero dhinac kasta ay kahelayso Dalal iyo ururo kala duwan hadana awood way uyeelan weyday inay afkeeda kudamiso warbaahinta islaamiga ah ee kahowlgala Magaalada Muqdisho.

In badan ayay maleegeen idaacadooda inay kuxayiraan idaacada quraanka kariimka ee ku hadasha afka Mujaahidiinta Al-shabaab laakin maxaa kaqabsaday isku daygoodii Guracnaa oo ay kudaminayeen Nuurka warbaahinta Islaamiga.

Idaacada quraan kariimka oo radio muqdisho ay dulsaareen si aysan udhageysan shacabka goobaha ay joogaan waxa ay kadhaxleen in ay kusoo Furmaan Dhowr idaacadooda oo kuhadlaya afka mujaahidiinta Soomaaliya sida Idaacad maqalkeeda uu aad uxooganyahay oo lagu magacaabo Andalus taasi oo kahowlgali jirtay Wilaayaatka Wadanka Soomaaliya.

Andalus ayay uweeciyeen inay saaraan xayiraada naf lacaariga ah ee Fmtooda Radio muqdisho hayeeshee awood wey uyeelan waayeen waayo maqalka idaacada ayaa aad uxoogan.

Iyagoo kaduulaya Guuldarada kasoo wajahday afkooda inay kudamiyaan idaacadaha afka Mujaahidiinta Soomaaliya ku hadla ayay Caro aan meel fog Gaarsiisneen waxa ay kala dulkufeen idaacada ay dadka sida aad ujecelyihiin ee Al-furqaan.Waxaana Markale ay walaahow kala noqdeen tashwiishka sida dhalaan socod barad ah ay kula duldhaceen Warbaahinta Islaamiga Alfurqaan.

Xaajadu si kastaba ha ahaatee Dowlada kmg xiligaan waxaa usoo haray oo qura inay sii wadaan dagaal warbaahineed oo aan Cago adag kutaagnen kaasi oo ay kula dirirayaan warbaahinta islaamiga ah ee kahanaqaaday Wadankeena Soomaaliya kuwaasi oo aan kula talinayo inay sii laba jibaaraan howsha baaxada weyn ee dhankooda ugu jiraan Difaacida Diinta Islaamka.

Warbaahinta oo lagu tilmaamo seef laba af leh ayaa wanaag iyo xumaanba faafin karta sida hadaba kamuuqato idaacadaha kuyaala Magaalada Muqdisho oo badankood lashaqeeya ururo iyo dalalk reer galbeedka.

Qorsho ah in lasii badiyo idaacadaha lashaqeeya dadka kasoo horjeeda in la hirgaliyo shareecada islaamka ayaanan ku ekaan doonin kuwa hada shaqeeya ,waxaana hadda soconaya oo lagu howlanyahay hawada Magaalada Muqdisho in lagu sii daayo idaacada kale oo fulinyay danaha gaalada laakin Soomaalida ah ayaa ah dad waxbadan oo jira fahmi kara.

W/D Wariye Saalax Baadiyow (Wariye madax banaan)

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(info@warsom.com & webmaster@warsom.com)