R/wasaaraha dawlada federalka soomaaliya ayaa maanta ka ambabaxey muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalo xeebeedka kismaayo oo beryahan dib u dhac ku imanayey aadisteeda.
R/wasaaraha iyo wafdiga uu horkacayo ayaa markii ay gaareen kismaayo waxaa hawada laga saarey isgaarsiinta taas oo caado u ah maamulka uu hugaamiyo axmed madoobe,lamana oga jawiga iyo xaalada ay ku suganyihiin wufuuda kismaayo ku sugan,waxaana la filayaa in wufuud kale oo kismaayo lagu casumey ay beri muqdisho ka ambabaxaan.
Waa markii ugu horeysey ee dawlada federalka loo ogolaado in magaalada kismaayo gudaheeda ay galaan,lamana oga waxa hadda iska bedeley mawqifyadii ay kala taagnaayeen labada dhinac ee kismaayo ku herdamayey waa dawlada federalka iyo maamulka magaalada ee uu hugaamiyo sheekh axmed madoobe.




