Shir ay ku yeesheen midawga xisbiyada isbedeldoonka soomaaliyeed muqdisho ayaa waxaa lagaga hadley shirka la filayo in bisha may horaanteeda uu ka dhaco dalka ingriiska.
Xisbiyadan oo ka kooban sagaal xisbi ayaa dhamaantood isku raacey in shirka london yahey mid sii kala fogeynaya isfahamka iyo wadahalada u dhaxeeya s/land iyo somalia,iyadoo ay shirka ka hadleen madax ka kala socotey xisbiyada ay daladani ka koobantahey.
Gudoomiye kuxigenka xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed cali maxamed nuux timajilic ayaa sheegey in xisbiyadu u baahanyihiin xog badan oo ku dhex jirta shacabka iyo rabitaankooda,cid la qasbayaana aaney maanta jirin sidaas awgeed waa in aynu gudi xisbiyada oo dhan ka kooban qabanaa dabadeedna ay is arkaan sadexda xisbi qaran ee soomaaliland iyo gudigu meeshii la doonaba ha leysku arkee s/land ama somalia.
Waxaanan uga digeynaa labada maamul in ay ku dhaqaaqaan wax aan shacabka ka imaan ama shisheeye wato si aan labada shacab ee walaalaha ahi usii kala fogaan,shirka xisbiyada isbedeldoonka soomaaliyeed ayaa kusoo gabangaboobey jawi hagaagsan iyo sidii loogu talo galey.




