Qaraxyo isxig xiga oo maanta ka dhacey madaxtooyada kismaayo.

0
502

Maanta ayaa mar qura la dareemey qaraxyo lagu diyaariyey madaxtooyada kismaayo,halkaas oo la filayey in uu booqasho ku tago r/wasaaraha soomaaliya dr cabdi faarax shirdoon.

Qaraxyadan ayaa u muuqda kuwo laga gaarey ujeedadii laga lahaa taas oo aheyd in r/wasaaruhu ka baaqdo imaatinkiisa kismaayo,weyna dhacdey iyadoo sida lagu soo waramayo in la taliyeyaasha r/wasaaruhu diideen in r/wasaaruhu tago meel aan amnigeeda lagu kalsooneyn.

R/wasaaraha ayaa waxaa kasii hormarey wafdi heer wasiir ah oo uu hugaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka c/kariim xuseen guuleed,waxeyna qaraxyadani kusoo beegmayaan iyadoo la filayo in halkaa uu ka furmo shir la doonayo in maamul loogu dhiso gobolada jubooyinka kaas oo hada u muuqda mid ay isku fahmeen dawlada dhexe iyo jabhadda raaskamboodi ee uu hugaamiyo shekh axmed madoobe isla markaana hada gacanta ku heysa magaalo xeebeedka kismaayo.