Waxaa galabta ka bilawdey magaalada marka dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan gudoomiyaha maamulka gobolka iyo kuxigenka xaga amniga gobolka c/salaan iyo cukaash.
Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeynayaa in uu dagaalka bilaabey,waxaana ka horeeyey mid sidan oo kale ah oo uu ku dhaawacmey taliye kuxigeenki ciidamadi gobolka sh/hose ka hawlgaleyey,waxa uuna dagaalkani u muuqdaa mid awooda gobolka lagu loo lamayo leysuna adeegsanayo habka qabaliga deegaanka gobolka wada degen.
Maahan markii ugu horeysey ee ay magaalada marka isku farasaaraan ciidamo wada sheeganaya in ay ciidamo dawladeed yihiin,hase yeeshee dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu jiro muran xaga maamulka gobolka la xiriira,iyadoo gudoomiyihii hore ee gobolka seydii uusan hada wax shaqo ah.




