M/weynaha dawlada federalka xasan sheekh maxamuud iyo wufuud uu horkacayo ayaa maanta ka ambabaxey garoonka aadancadde international airport.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa aadey dalka qadar halkaas oo la filayo in ay ku kulmaan madaxda dalkaasi qadar,sidoo kale m/weynaha ayaa si qarsoodi ah waxa uu ula kulmi doonaa m/weynaha somaliland axmed siilaanyo.
Qabanqaabada ay wadaan dawlada qadar iyo imaaraadka carabta ayaa ku wajahan sidii leysu fahamsiin lahaa dawladda dhexe iyo maamulgoboladeedyada dalka ka dhisan iyo qaar ka mid ah mucaaradka kasoo horjeeda dawlada oo kol hore ku kulmey dalka qadar.
Safarkan iyo kulamada qarsoodiga ah ayaa kusoo beegmaya waqti la filayo in lagu kulmo shir ay somaliland qaadacdey oo ka dhici doona dalka ingriiska horaanta bisha may ee soo socota.
Warar ku dhaw m/weyne xasan sheekh ayaa sheegaya in dawlada federalku wado qorshe ay awooda wax kasiiso somaliland iyadoo ismaamulkeeda heysta taas oo aan la ogeyn sida shacabka somaliland u aqbalayaan ama looga dhaadhicin karo.




