Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon ayaa kulan la qaatay Khabiir Dhanka Xuquuqda Aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Shamsul Baari kaas oo maanta Socdaal kusoo gaaray magaalada Muqdisho.
Khabirkaan ayaa ah mid u qaabilsan Qaramada Midoobay inuu la socdo xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee dalka Somalia isla markaasna uu ka talo bixiyo.
Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in dowladda Somalia ay diyaar u tahay inay ilaaliso xuquqda Aadanaha iyo xeerarka kala duwan ee Xuquuqda Aadanaha.
Shamsul Baari oo ah Khabiir dhanka Xuquuqda Aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in uu u yimid in uu dowladda kala hadlo sidii ay u xoojin lahayd ilaalinta xuquuqda Aadanaha isla markaasna laga wada shaqeeyo sidii ay isaga kaashan lahaayen labada dhinac arrintaas.




