Madaxda gobolka Hiiraan ayaa maanta booqday deegaanka Ceel Jaale ee duleedka magaalada Baladweyne halkaas oo ay ciidamada Jabuuti ku dabiibayaan dad uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.
Mas’uuliyiinta ka socday maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa horkacayay guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaadda ahna ku simaha guddoomiyaha gobolka Cadaawe Cilmi Cabdi waxaana booqashadooda ay la xiriirta sidii ay ula socon lahaayeen Xaalada dadka qaba cudurka shuban biyoodka.
Booqashada kadib ayaa waxaa kulan ku yeeshay deeganka Ceel Jaale maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada AMISOM iyo gudi loo xilsaaray in ay wax ka qabtaan xaaladaha dadka uu soo ritay shubanka.
Dhaqaatiirka ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee dadka ku jira xaruntooda ay tahay mid ka soo rayneyso xalayna uu u geeriyooday canug yar kaas oo laga waayay wax xidid ah oo laga siiyo dawada aabihiina uu diiday in laga siiyo sanka sidaas daraadedna uu cudurka u geeriyooday.
Sidoo kale dhaqaatiirta ayaa intaas ku dartay in maanta la keenay 26 qof haatane tirada dadka ku jira ay tahay 65 kuwaas oo intooda badan ay yihiin caruur ayna ku jiraan hooyooyin uur leh, halka 10 kale laga saaray kadib markii ay ka soo raaysay xaladooda caafimaad.
Gudigii loo xilsaaray wax ka qabashada xaalada dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka ayaa dhankooda tilmaamay in loo baahan yahay in la sameeyo laba xero si loo balaariyo goobaha lagu daweeynayo dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka maadama maalin walba maalinta ka dambeysa ay soo kordheyso tirada dadka uu soo ridanayo.
Hay’adaha Gar gaarka a ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa dawo iyo dhaqaatiir geeyay deegaanka Ceel Jaale oo ay ciidamada walaalaha Jabuuti ku daweynayaan dadka qaba dururka shuban biyoodka.




