Wafdi uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga iyo Saraakiisha hogaanka Ciidamada qalabka sida ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, halkaasoo ay kulamo kula leeyihiin xubnaha maamulka Gobolka, qeybaha bulshada iyo saraakiisha ciidamada.
Sida ay sheegayaan wararka wafdiga wasiir kuxigeenka gaashaandhiga Axmed Maxamed Maxamuud iyo Taliye kuxigeenka Ciidamada xooga dalka ahna Abaanduulaha Ciidamada Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi ayaa booqashadooda salka ku heysa sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xalaada ammaanka.
Wararka ayaa sheegaya in booqashadooda ay ka dambeysay markii ay soo shaac baxday in Ciidamada Itoobiya ay isaga baxayaan magaalada Baydhabo, kadib markii ay ku wargeliyeen Xildhibaanada ku sugan magaalada.
Kulamada ayaa looga hadli doonaan sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha ku soo kordhay gobolka, iyo sidii Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda dib ugu laaban lahaayeen degmada Xudur oo ay isaga baxeen maalmo ka hor.
Wararka ayaa sheegaya in marka kulamadan uu soo dhamaado Wasiir kuxigeenka iyo Abaanduulaha ciidamada xooga dalka oo ay wehliyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya inay u dhaqaaqaan deegaanada Al-Shabaab dib ugu soo laabteen ee ka tirsan Bay iyo Bakool.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa sanad kadib dib u qabsaday degmada Xudur oo ah xarunta Gobolka Bakool, halkaasoo markii ay la wareegeen isaga carareen kumanaan qoys oo ku dhaqnaa degmada, kuwaasoo ka cabsaday iska hor imaadyo ka dhaca degmada.




