Ciidamada Itoobiya Oo Askar Jabuutiyaan ah Ku Dilay Magaalada Baladweyne.

0
513

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada B/weyne ayaa galabta toogtay Askar Jabuutiyaan ah oo ku sugnaa duleedka magaaladaasi.

Wararka nagasoo gaaraya B/weyne ayaa xaqiijinaya in 2 katirsan ciidanka Jabuuti lagu toogtay Buurta Janta Kuundisho oo fariisin ciidan u ah Itoobiya,goob joogayaal ayaa warbaahinta Ceelali u xaqiijiyay in murun xoogan soo kala dhaxgalay labada ciidank kadibna Itoobiyaanku si boobsiis ah rasaas ugu fureen askarta Jabuuti.

Saraakiisha ciidanka Jabuuti ayaa xariir lasameeyay saraakiisha Itoobiyaanka waxaana laga yaabaa in Afhayeenka AMISOM ee Jabuutiyaanka ah uu war kasoo saaro dilka askarta wadankiisa.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan B/weyne ayaa gacanta ku haya koontaroolada muhiimka ah waxayna isku arkaan awoodda 1-aad ee magaalada halka ciidanka Jabuuti ay si buuxda gacanta ugu hayaan garoonka diyuuradaha iyo dhanka galbeed ee B/weyne
Waa noo muhiim fikirkaga mar waliba