Nabadoon Axmed Diiriye ayaa ka hadlay xaaladda dalka somalia isla markaasna sheegay in Al Shabab ay yihiin kuwo dhibaatada ugu weyn ku haayo dalka. “Al shabab waxay dhibaato ku hayaan shacabka soomaaliyeed wana in ay joojiyaan dagaalka iyo qaraxyada ayuu yiri Nabaddoon Axmed Diiriye. Nabadoon Axmed Diiriye ayaa kamid ah odayaasha beelaha Hawiye wuxuuna si weyn u dhaleeceeyay qaraxii shalay ka dhacay inta u dhaxeysay Tiyaatarka qaranka iyo ex-Fiyoore kaas oo dad badan ay ku geeriyoodeen oo uu ku jiray wariye Maxamed Cali Nuxurkeey.




