Al Shabab oo wadaad caan ah ku dilay xudur.

0
522

Wararka ka imaanaya degmada xudur ee gobolka Bakool ayaaa sheegaya in xalay ururka Al Shabab ay ku dileen degmadaas wadaad caan ka ahaa magaaladaas. Sheekhaan ayaa meedkiisa lasoo dhigay bartamaha magaalada xudur ee xarunta gobolka Bakool. Dilka wadaadkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Al shabab la wareegeen magaaladaas oo ay isaga baxeen ciidama Ethiopia oo mudo gacanta ugu jiray degmadaas.