Baabuur laga soo buuxshey walxaha qarxa oo lala beegsadey taliyaha nabadsugida gobolka banaadir khaliif axmed ereg.

0
503

Waxaa maanta ku qarxey gaari laga soo buuxshey walxaha qarxa afaafka hore ee ex fiyoore,gaarigaas oo baacsanayey gaari uu saarnaa taliyaha ciidamada nabadsugida qaranka khaliif axmed ereg kaas oo uu soo kala dhex galey gaari casi ama mini bus ah.

Gaariga caasiga ah ayaa ahaa mid ay dadweynuhu isticmaalaan ama gaadiidka dadweynaha ah,gaarigaas oo gebi ahaanba ku basbeeley qaraxa ayaa waxaa ku dhintey dad badan oo gaariga saarnaa haseyeeshee waxaa ka badbaadey darawelkii iyo kirishbowgi la socdey.

Dhamaan tirada dadka geeryoodey waa ku dhawaad 15 in kabadan 20na wey ku dhaawacmeen,waxaana isasoo taraya dhaawacyo ku dhintey goobo caafimaad oo lageeyey dhanka kale waxaa qaraxan sheegtey xarakada alshabaab oo barta internetka soo dhigey warsaxaafadeed ay ku cadeeyeen in ay ka danbeeyeen qaraxan ayna ku beegsanayeen taliyaha nabadsugida gobolka banaadir kaas oo ka badbaadey.

Qaraxyadan ayaa muqdisho joogto ah lamana oga waqtiga ay istaagi doonaan iyo sida ay isugu soo dhawaan karaan labada dhinac ee ku dagaalamaya shacabka dhexdiisa.