Barlamaanka soomaaliya oo maalinkii labaad fariisan waayey kooramka la’aantiis.

0
499

Barlamaanka soomaaliya ayaa maanta markale ay u suuro geliweysey in ay fariistaan kadib markii la waayey xubno kooramka buuxiya,xildhibaanaduna ay ka maqnaadeen fadhiga barlamaanka,taas oo cuuryaamisey hawlo qaran oo laguda geli lahaa,waxaana laga yaabaa in aaney fasixii kaba soo gelin xildhibaano qurbaha deganaa sidaasna loo waayey xubno kooramka buuxiya.

Tirada xubnaha baarlamaanka oo ka kooban 275 ayaa marki kalfadhigu furmayey maalin hore xubnaha soo xaadirey ahaayeen 160 xildhiban waxaana fadhiga barlamaanku ansaxayaa marka la helo 139 xildhibaan,waxaana nasiib darro in labo maalmood oo isku xigta ay barlamaanku fariisan waayo.

Qabsoomid la’aanta fadhiga barlamaanka ayaa kusoo beegmeysa iyadoo madaxweynaha iyo r/wasaaruhuba ay ku maqanyihiin safaro shaqo oo debedda iyo gudaha dalka soomaaliya,waxaana wax aad loola yaabo ah in xeer hoosaadka barlamaanku shaqeyn waayo oo aan la xushmeyn,taas oo loo sababeeyo marka hore oo aan la adkeyn xeer hoosaadka barlamaanku ku shaqeynayo.