Madaxweynaha jamhuuriyada federalka soomaaliya prof.xasan sheekh maxamuud ayaa markii ugu horeysey shaaca ka qaadey in dawladiisu wada hadal la geleyso xarakada alshabaab.
Madaxweynaha oo booqasho ku jooga dalka qadar ayaa sheegey in uu jecelyahey in ay wada hadlaan dawladiisa iyo xarakada alshabaab ayaa ka codsadey saraakiisha iyo madaxda alshabaab in ay kusoo biiraan wadahadalada dhawaan bilaaban doona,iyadoo qaar kamid ah saraakiisha alshabaab kol horena ahaa madaxda xisbul islaam ay hada kusuganyihiin dalka qadar,waxeyna dadka qaarki sheegayaan in ay jiraan madax kamid ah kuwii xisbulislaam ay wadahadalo hoose hore ugu socdeen ayna hada isfahmeen lamana soo bandhigin waxa ay ku heshiiyeen labada dhinac ee waqtigan wada hadlaya.




