R/wasaaraha soomaaliya cabdi faarax shirdoon ayaa maanta booqasho ku tagey deg/caabudwaaq ee gobolka galguduud iyadoo shaley ay aheyd markii uu tagey xarunta gobolka galguduud magaalada dhuusamareeb.
R/wasaare saacid ayaa waxaa c/waaq ku soo dhaweeyey shacbiga degmada iyo madax ka tirsan ahlusuna waljameeca,r/wasaaraha ayaa laga yaabaa in uu tago degmooyinkale oo gobolkaas ka tirsan hadii kale waxey noqoneysaa in uu ukala eexdey deg.gobolku ka koobnaa.
R/wasaaraha booqashadiisa ayaa kusoo beegmeysa iyadoo m/weynuhu dalka debediisa ku maqanyahey,waxaana la filayaa in booqashada r/wasaaruhu ay waqti badan qaadato,lamana oga waqtiga rasmiga ah ee r/wasaare saacid uu caasimada kusoo laabanayo.




