Debed Bax Lagu Diidanyahay Dawladda Federalka iyo Maamulka Cusub ee Hirshabeele oo Degmada Beledweyne Ka Dhacay.

0
6

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay banaanbax ka dhan ah maamulka  goboleedka Hirshabeelle iyo dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Xassan Sheekh Maxamuud.

Banaanbaxana ayaa waxaa ka qeyb galay Ugaas Yuusuf Ugaas Xassan, Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali ( Sanbaloolshe) , Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac, Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullahi Macalin, Xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey, Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Buraale iyo boqolaal shacab ah.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xassan oo darbiga isbitaalka guud ee gobolka Hiiraan kula  hadlayay boqolal shacab ah ayaa ku booriyay inay qeyb ka noqdan badbaadinta dalka.

“Sidaa la socotan 13 dhalinyaro ah ayaa badbaadiyay dalkan, waxaa la raba in Soomaaliya iyo Hiiraan anaga oo wada dhan oo kuwii hore ka badan inaan badbaadino, jidkii shalay aan furnay dib ugu noqon meyno, kuwa naga maqan iyaga imaan doona, aan ka shaqeyno midnimada, nabadgalayada aan ka hortagno wax kasta oo dhibaato ku ah bulshadda.”ayuu yiri Ugaas Yuusuf Ugaas Xassan.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullahi Macalin ( Ciid)  ayaa sheegay in qof kasta oo dhibaato ku haya dadkan lala xisaabtami doono islamarkana looga baahan yahay inay iska baxan hadii ay bixi waayana waa iska celin doonaa.

“Gobolka idinka iska leh, in qof caado qaata inuu mustaqbalkiina ku dheelo looma dulqaadan karo, howshan markay naga dhamaato qof kasta  oo dhibaato ku haya dadkan waa la xisaabtami doonaa, iyagoo caafimaad qaba hadda ha naga tagan hadii kale waa iska celin doonaa, dadkana maamul iyaga ay lee yihiin ayay dhisan doonaan” ayuu yiri Xildhibaan Ciid.

Xildhibaan Cabdinaasir Xaaji Shirwac ayaa sheegay in dowladd looga baahan yahay inay dhageysato rayiga dadkan hadii kale maanta meesha ay joogan meel ka dheer in laga raadin doono isagoo sheegay in dowladnimada aysan ku heli xaquuqdii ay lahayeen islamarkana halgankii ay galeen ee Al shabaab aysan ka dhaxlin wax faa’ido ah halka xarumihii lagu burburiyay qaraxyada aan loo dhisin ilaa hadda.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda qorshayaal lagu diidan yahay maamulka Hirshabeelle iyo hanaanka loo doortay hogaanka maamulkan, waxana maalmaha soo socda magaalada laga daah furi doonaa shirar wadatashi ah oo u dhexeeya beelaha dega gobolka sida uu horey ugu dhawaaqay Ugaas Yuusuf Ugaas Xassan.

Banaanbax ka dhan ah dowladda federaalka iyo Hirshabeelle oo ka dhacay Baladweyne