Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa qorsheynaya inay la wareegaan afar saldhig oo ay hadda joogaan ciidamada Uganda ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo bilaabay inay dalka ka baxaan, si looga hortago in kooxda Al-Shabaab ay ka faa’iideysato bannaan amni oo ka dhasha bixitaankooda.
Warqad uu howlgalka Midowga Afrika u diray xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ciidamada nabad ilaalinta ay beddeli doonaan kuwa Uganda ee ka baxaya afar saldhig oo ku yaalla deegaanno muhiim u ah difaaca caasimadda Muqdisho.
Saldhigyada la qorsheynayo in AUSSOM la wareegto ayaa kala ah Sabiid-Caanole, Bariire, Awdheegle iyo Buulo-Nagaad, waxaana ciidamada cusub lagu wadaa inay halkaas gaaraan inta lagu jiro isbeddelka ciidanka ee bisha November.
Dhaqdhaqaaqan ayaa yimid kadib markii Uganda ay ku dhawaaqday inay bilowday daadgureynta ciidamadeeda Soomaaliya ku joogay heshiis laba geesood ah oo ay la gashay dowladda federaalka, iyadoo askartii ugu horreysay ay dib ugu laabteen dalkooda.
Afhayeenka milatariga Uganda, Korneyl Chris Magezi, ayaa sheegay in ciidamada ku yimid heshiiska labada dal ay dalka ka wada bixi doonaan maalmo gudahood, halka ciidamada kale ee Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ay si tartiib ah uga bixi doonaan Soomaaliya dhammaadka sannadka 2027.
Uganda ayaa Soomaaliya ciidamo ka joogtay muddo ku dhow labaatan sano, iyadoo ka qeyb qaadatay howlgallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo sugidda amniga xarumaha muhiimka ah.
Bixitaanka ciidamada Uganda ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli uu dhammaaday howlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kaas oo muddo ka badan soddon sano taageerayay dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo dhexdhexaadinta khilaafaadka siyaasadeed.













