Cabdi Faarax Shirdoon Ra’iisal wasaare Hore oo Soo Bandhigay Qodobo uu Sheegay in ay Badbaado u Noqon karaan Dawlad Dhiska Soomaaliya.

0
13

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa soo bandhigay shan qodob oo uu sheegay inay saldhig u noqon karaan badbaadinta iyo dib-u-dhiska Jamhuuriyadda Saddexaad ee Soomaaliya, xilli dalka uu wajahayo khilaafaad siyaasadeed iyo caqabado la xiriira dowlad-dhiska.

Qoraal uu ku baahiyey bartiisa X ayuu Cabdi Faarax Shirdoon ku sheegay in mustaqbalka dowladnimada Soomaaliya uu ku dhismi karo dastuur ku salaysan heshiis iyo is-afgarad qaran, dib-u-heshiisiin dhab ah, amni waara, midnimo qaran iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo awood u leh inay si hufan oo daahfuran u gutaan waajibaadkooda.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dastuurka dalka lagu saleeyo heshiis ay Soomaalidu wada oggol yihiin, isagoo sidoo kale tilmaamay in dib-u-heshiisiin dhab ah ay lagama maarmaan u tahay soo celinta kalsoonida iyo xoojinta wadajirka bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale xusay in amniga waara iyo midnimada qaranku ay yihiin tiirar muhiim u ah jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo shaqaynaysa, halka hay’adaha dowladda loo baahan yahay inay yeeshaan awoodda iyo madax-bannaanida lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadkooda.

Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in shantan qodob ay si wadajir ah u dhisayaan aasaaska dowlad Soomaaliyeed oo shaqaynaysa.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay ka taagan yihiin dooddo siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo xiriirka dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.