Markab Laga Leeyahay Dalka Iran ayna Saarnaayeen 20 Bad maaxiinan Hindi ah oo Shaqaalihii Xoog lagu Soo Furtay.

0
4

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda badda ay soo badbaadiyeen 20 shaqaale oo saarnaa markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan, kaas oo ay burcad-badeed Soomaali ahi afduubteen 29-kii Oktoobar, xilli uu marayay xeebaha waqooyi-bari ee Soomaaliya.

Wargeyska Hindustan Times ayaa qoray in howlgalka badbaadinta markabka Azini uu socday muddo 48 saacadood ah, lagana fuliyay Badda Carabta, meel qiyaastii 3,000 oo kiiloomitir u jirta magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.

Wasiirka Gaashaandhigga Hindiya, Rajnath Singh, ayaa ammaanay ciidamada badda ee dalkiisa, isaga oo sheegay in howlgalka si heer sare ah la isugu dubbariday, isla markaana taageero waqtigeeda ku habboon ay ka geysteen ciidamada cirka ee Hindiya.

Singh ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku sheegay in sida degdegga ah ee loo helay markabka, loola wareegay, loona sii daayay shaqaalihii saarnaa ay muujinayso heeganka sare ee ciidamada badda Hindiya iyo awooddooda wax ka qabashada khataraha ka jira badaha gobolka.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in markabka Azini lagu afduubtay inta u dhexeysa magaalooyinka xeebaha ku yaalla ee Bandar Bayla iyo Xafun, oo ku yaalla waqooyi-bari Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Hindiya ay mar kale muujiyeen awoodda iyo go’aanka dalkooda ee ku aaddan badbaadinta nafaha, ilaalinta amniga badda iyo xasilloonida guud ee Badweynta Hindiya.

Hindiya ayaa muddo dheer howlgallo ka dhan ah burcad-badeedda ka waday Gacanka Cadmeed, iyadoo sida uu wasiirku sheegay, ugu yaraan hal markab dagaal oo Hindiya leedahay uu si joogto ah halkaas uga fulinayay roondooyin amni tan iyo 23-kii Oktoobar 2008.