Hirgelinta Qodobadii El-Alamein oo Soomaaliya iyo Masar Ka Wada Hadleen iyo Waxa ay ahaayeen.

0
8

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, kaas oo ka dhacay dhinacyada shirka Madasha Ruushka iyo Afrika, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo xaaladaha amni ee ka jira Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Sida ay baahisay warbaahinta Ahram Online, kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta iyo maalgashiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa mar kale caddeeyey taageerada buuxda ee dalkiisu u hayo midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo sidoo kale sheegay in Qaahira ay taageersan tahay dadaallada lagu dhisayo hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo xoojinta awooddooda.

Badr Abdelatty ayaa sidoo kale si cad u diiday tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya ama ku xadgudbaysa madax-bannaanideeda.

Labada wasiir ayaa intii uu kulanku socday is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda Geeska Afrika iyo Badda Cas, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida dalalka gobolka iyo taageeridda hay’adahooda qaran.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa fulinta qodobadii kasoo baxay shirkii wadatashiga afarta geesoodka ahaa ee Masar ku martigelisay magaalada xeebta ku taalla ee El-Alamein, kaas oo ujeeddadiisu ahayd xoojinta amniga, xasilloonida iyo horumarka, iyo dejinta xiisadaha ka jira Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Kulankan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan loollanka istaraatiijiyadeed iyo xiisadaha diblomaasiyadeed ee ka jira Geeska Afrika, gaar ahaan arrimaha la xiriira marin-badeedka baab Al mandab.