Madaxweynaha Dalka Uganda oo Sheegay in kala Qeyb sanaanta Siyaasiyiinta Soomaaliy ay Caqabad ku tahay La Dagaalanka Al-shabaab.

0
7

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha iyo shacabka Soomaaliyeed inay mideeyaan mowqifkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in kala qaybsanaanta fikirka siyaasadeed iyo faham la’aanta sababaha salka u ah dhibaatooyinka dalka ay caqabad ku yihiin helitaanka nabad waarta.

Museveni ayaa hadalkan sheegay xilli uu xarunta madaxtooyada Entebbe kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho rasmi ah ku joogay Uganda. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadlay iskaashiga amniga iyo xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal.

Yoweri Museveni ayaa sheegay in xal u helidda caqabadaha Soomaaliya ay u baahan tahay in si sax ah loo fahmo sababaha ka dambeeya, isla markaana la helo midnimo siyaasadeed oo lagu wajaho khataraha amni ee dalka.

“Dhibaatada Soomaaliya waa mid fikir iyo in si khaldan loo fahmay dhibaatooyinka,” ayuu yiri Museveni, isaga oo tusaale u soo qaatay dalal kale oo Afrikaan ah oo kala qaybsanaanta siyaasadeed ay saameysay xasilloonidooda.

Waxa uu ku dooday in kala qaybsanaanta bulshada inteeda badan ay fursad siin karto kooxo tiro yar inay sii wataan saameyntooda, isaga oo ku baaqay in la mideeyo dadka si looga hortago khataraha amni.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ciidamadoodu ka qeyb qaataan howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya, kuwaas oo taageera ciidamada dowladda federaalka dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.