Ilaalinta Xuquuqda Shaqaalaha ka Soo Jeeda Dalka Uganda ee Ku Sugan Soomaaliya oo Labada Xukuumadood ee Soomaaliya iyo Uganda ku Heshiiyeen..

0
5

Soomaaliya iyo Uganda ayaa kala saxiixday heshiis lagu nidaaminayo shaqaaleysiinta muwaadiniinta Uganda ee ka shaqeeya Soomaaliya, kaas oo dhigaya in shaqaalaha la siiyo heshiisyo shaqo oo qoraal ah, mushaharkoodana lagu shubo akoonnada bangiyada ee magacyadooda ku qoran.

Heshiiska ayaa Khamiistii, 22-ka Oktoobar 2026, magaalada Muqdisho ku kala saxiixday wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Prof. Saalim Cali Ibro, iyo wasiirka Jinsiga, Shaqada iyo Horumarinta Bulshada Uganda, Jeneraal Henry Tumukund.

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in in ka badan 20,000 oo muwaadiniinteeda ah ay ka shaqeeyaan Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan ku jira dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, saadka iyo amniga gaarka loo leeyahay.

Heshiiska ayaa dhigaya in shaqaalaha Uganda ee loo shaqaaleysiinayo Soomaaliya ay ugu yaraan 21 jir ahaadaan, isla markaana ay helaan heshiis shaqo oo qoraal ah ka hor inta aysan dalkooda ka soo ambabixin. Heshiisyadaas ayaa sidoo kale la diiwaangelin doonaa marka ay shaqaaluhu Soomaaliya yimaadaan, iyadoo wax ka beddel lagu samayn karo oo keliya haddii uu dan u yahay shaqaalaha.

Sida heshiiska ku cad, loo-shaqeeyayaasha ayaa mas’uul ka noqon doona kharashaadka fiisaha, safarka shaqaalaha iyo caymiskooda, waxaana waajib ku noqon doonta inay shaqaalaha siiyaan tigidh ay labadii sanaba mar dalkooda ugu laabtaan, isla markaana mushaharka ugu shubaan akoonnadooda bangiyada.

Heshiiska ayaa sidoo kale mamnuucaya shaqaaleysiinta khasabka ah iyo in shaqaalaha laga qaato baasaboorradooda. Waxa uu shaqaalaha u oggolaanayaa inay xiriir la sameeyaan qoysaskooda iyo safaaradahooda, ayna beddeli karaan loo-shaqeeyaha haddii aan la siin shaqadii markii hore loo ballanqaaday.

Sidoo kale, haddii shaqaale ku dhinto Soomaaliya, meydkiisa ayaa dib loogu celin doonaa dalkiisa haddii qoyskiisu codsado.

Dhanka kale, dowladda Uganda ayaa ballanqaadday inay hubin doonto in shaqaalaha ay dibadda u dirto aysan lahayn diiwaanno dembiyeed, ay mareen baaritaannada caafimaadka ee looga baahan yahay, isla markaana aysan hay’adaha shaqaaleysiintu ka qaadin lacago xad-dhaaf ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Uganda ayaa sheegtay in heshiisku abuurayo hannaan lagu xaqiijinayo shaqaaleysiin nidaamsan, caddaalad ku dhisan iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha. Wasiir Tumukunde ayaa kulanka ka sheegay in xiriirka wanaagsan ee labada dal loo baahan yahay in loo beddelo ballanqaadyo wax ku ool ah.

Mas’uuliyiintii ka qaybgalay wadaxaajoodyada ayaa sheegay in wasiirku carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la joojiyo shaqo ka eryidda sharci-darrada ah, mushahar iyo gunnooyin la bixin waayo, baasaboorrada shaqaalaha oo lala wareego iyo shaqaalaha oo laga hor istaago inay la xiriiraan dad kale.
ayaa dhaqan geli doona marka labada dowladood ay xaqiijiyaan ansixinta gudaha ee looga baahan yahay, wuxuuna socon doonaa muddo saddex sano ah, isaga oo si toos ah u cusboonaanaya marka muddadu dhammaato.
Heshiiskan ayaa qayb ka ah iskaashiga Soomaaliya iyo Uganda ee dhinacyada amniga, waxbarashada iyo socdaalka, kuwaas oo heshiisyo hore looga gaaray shirkii labaad ee guddiga wadajirka ah ee labada dal oo Kampala lagu qabtay Oktoobar 2025.

Labada dowladood ayaa sidoo kale isku raacay inay dhammaystiraan dhismaha Golaha Wadajirka ah ee Maalgashiga iyo Ganacsiga ugu dambayn 30-ka Nofeembar.