Magaalada Baydhabo oo Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Bandow ku Soo Rogtay Si Loo Adkeeyo Amniga.

0
10

Wasiirka Amniga Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Isaaq Maxamed Korsaar, ayaa ku dhawaaqay in magaalada Baydhabo lagu soo rogay bandow, iyadoo la xaddiday dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka wixii ka dambeeya salaadda Maqrib.

Wasiirka oo ka hadlay xaaladda amniga magaalada ayaa sheegay in go’aanka bandowga uu qeyb ka yahay tallaabooyin lagu sugayo amniga Baydhabo, xilli magaalada ay weli ka jirto xaalad amni oo u baahan feejignaan dheeraad ah.

Wuxuu sheegay in dadka magaalada ku nool looga baahan yahay inay u hoggaansamaan awaamiirta amniga, isla markaana wixii ka dambeeya Maqrib aan la oggolaan doonin dhaqdhaqaaqyada aan daruuriga ahayn.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu faray ciidamada ammaanka inay si gaar ah uga shaqeeyaan sugidda amniga gudaha magaalada, isagoo xusay in xaaladda amni ee Baydhabo ay weli u baahan tahay in si dhow loola socdo.

“Awaamiirtan haddii Ilaahay idmo, guud ahaan amniga ayay ku saabsan yihiin, waana in wada shaqeyn iyo gacmo is-qabsasho lagu sugo amniga,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed.

Go’aanka ayaa ku soo beegmaya xilli Baydhabo ay maalmahan ka dhaceen iska horimaadyo iyo xaalad amni oo kacsan, kuwaas oo saameyn ku yeeshay shacabka iyo dhaq-dhaqaaqa m

Wasiirka oo ka hadlay xaaladda amniga magaalada ayaa sheegay in go’aanka bandowga uu qeyb ka yahay tallaabooyin lagu sugayo amniga Baydhabo, xilli magaalada ay weli ka jirto xaalad amni oo u baahan feejignaan dheeraad ah.

Wuxuu sheegay in dadka magaalada ku nool looga baahan yahay inay u hoggaansamaan awaamiirta amniga, isla markaana wixii ka dambeeya Maqrib aan la oggolaan doonin dhaqdhaqaaqyada aan daruuriga ahayn.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu faray ciidamada ammaanka inay si gaar ah uga shaqeeyaan sugidda amniga gudaha magaalada, isagoo xusay in xaaladda amni ee Baydhabo ay weli u baahan tahay in si dhow loola socdo.

“Awaamiirtan haddii Ilaahay idmo, guud ahaan amniga ayay ku saabsan yihiin, waana in wada shaqeyn iyo gacmo is-qabsasho lagu sugo amniga,” ayuu yiri Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed.

Go’aanka ayaa ku soo beegmaya xilli Baydhabo ay maalmahan ka dhaceen iska horimaadyo iyo xaalad amni oo kacsan, kuwaas oo saameyn ku yeeshay shacabka iyo dhaq-dhaqaaqa magaalada.