Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Riyadiisii Rumoowday ee Doorashooyinka Galmudug iyo Hirshabeele

0
10

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Galmudug iyo Hirshabeelle tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda iyo horumarinta nidaamka doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka ku nool gobollada Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay si nabad ah ugu dareereen goobaha codbixinta, isaga oo ku tilmaamay maalinta doorashada mid “baal wanaagsan” ka galaysa sooyaalka dimuqraadiyadda Soomaaliya.

“Maanta waa maalin kale oo baal wanaagsan ka galaysa sooyaalka dimuqraadiyadda iyo horay u socodka dalkeenna,” ayuu yiri madaxweynaha, isaga oo bogaadiyey kumannaan muwaadiniin ah oo ka qayb qaatay geeddi-socodka doorashada.

Wuxuu sheegay in ka qaybgalka shacabka uu muujinayo gudashada xaqooda dastuuriga ah ee codbixinta, iyo doorkooda ku aaddan xoojinta dowladnimada, dimuqraadiyadda iyo matalaadda shacabka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ammaanay ciidamada ammaanka Soomaaliyeed, kuwaas oo uu sheegay inay sugayeen amniga goobaha codbixinta iyo shacabka, si doorashooyinku ugu dhacaan jawi nabdoon oo xasilloon.

Sida uu sheegay madaxweynaha, wax dhibaato ah lagama soo sheegin goobihii codbixinta, iyadoo ciidamada ammaanku ay si hufan u xaqiijiyeen amniga inta ay socdeen doorashooyinka.

Wuxuu sheegay in doorashooyinkan ay muujinayaan sida shacabka Soomaaliyeed uga go’an yahay dhismaha dowladnimo loo dhan yahay, xoojinta nabadda iyo hirgelinta hannaan siyaasadeed oo ku salaysan rabitaanka shacabka.

Madaxweynaha ayaa doorashooyinka sidoo kale ku tilmaamay tallaabo lagu sii xoojinayo nidaamka dimuqraadiyadeed ee ku dhisan doorashooyinka tooska ah.