Ururka JSP oo U Xushay Cabdifitaax Xasan Afrax Hoggaamiye Ku Xigeenka Maamulka Hirshabeele

0
11

Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa Cabdifataax Xasan Afrax u xulatay musharraxa Hogaamiye ku-xigeenka Hirshabeelle ee muddada 2026–2031, kaddib kulan ay maanta yeesheen Guddiga Fulinta ee xisbiga, kaas oo uu shir-guddoomiyay Xoghayaha Guud ee xisbiga, Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud.

Kulanka oo looga hadlay hawlaha doorashooyinka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, ayaa Guddiga Fulintu si aqlabiyad leh ugu go’aamiyay in Cabdifataax Xasan Afrax noqdo Hogaamiye ku-xigeenka xisbiga ee Hirshabeelle waxaana loo jeediyay dardaaran ku saabsan gudashada masuuliyadda loo igmaday iyo u adeegidda shacabka.

Cabdifataax Xasan Afrax ayaa munaasabadda uga mahadceliyay hoggaanka iyo Guddiga Fulinta ee JSP, isagoo sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu door ku lahaa hawsha uu maanta ugu noqday musharraxa Hogaamiye ku-xigeenka Hirshabeelle.

Afrax ayaa sheegay inuu hore uga qayb qaatay dhismaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, isagoo xusay inuu ka soo jeedo gobolka Hiiraan, isla markaana uu isaga iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ay si wadajir ah u saxiixeen heshiiskii lagu dhisay Hirshabeelle, iyadoo uu goob joog ka ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xilka loo igmaday uu yahay mid culus, maadaama Hirshabeelle ay ku jirto marxalad adag oo ay jiraan abaaro, xaalado siyaasadeed iyo caqabado kale oo uu tilmaamay inay u baahan yihiin hoggaan iyo dadaal.

Isagoo ka hadlayay sida uu ula macaamilayo bulshada, ayuu sheegay inuu la shaqeyn doono dadka kala aragtida duwan, isagoo xusay in dadka ay ku kala duwan yihiin garasho, dano iyo aragti, isla markaana uu doonayo in qof walba loola dhaqmo si waafaqsan kaalintiisa waxana uu rajeyeeyay in dadaallada hoggaanka dowladda federaalka iyo madaxda kale ay mira dhal noqdaan, isagoo xusay in hawlo adag ay hor yaallaan.

“Ganfuurka ayaa laga garaacaa iftiinkana waa Laga qarinaa kii xal diidaa kii xal ogal diyaar ayaan u nahay hirshabele waay dhaqaaqday” ayuu yiri Cabdifitaax.

Dhanka kale, madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, kana tirsan Golaha Sare ee Siyaasadda Beesha Xawaadle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa munaasabadda ka hadlay, isagoo soo dhaweeyay magacaabista Cabdifataax Xasan Afrax.

Cali Cosoble ayaa sheegay in Hirshabeelle ay “hagaagayso” isla markaana ay “toosayso”, isagoo ku tilmaamay Cabdifataax Xasan Afrax shaqsi door muhiim ah ka qaadan kara horumarinta iyo isku xirka dadka Hirshabeelle, gaar ahaan Hiiraan, waxa uu yiri “Qofna uma istaageyso Hir-shabelle, Diinta islaamka ayay qaarkood kasoo horjeedeen qaarna u halmagamayeen”, Waxa uu muujiyay inuu soo dhoweynayo go’aanka JSP ee Cabdifataax loogu xushay musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

Munaasabadda kaddib, Cabdifataax Xasan Afrax ayaa u duulay magaalada Beledweyne, xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo uu ka soo jeedo, si uu uga sii ambaqaado dhaq-dhaqaaqiisa siyaasadeed ee la xiriira musharraxnimadiisa, Go’aanka JSP ayaa ku soo beegmaya xilli uu socdo diyaar-garowga doorashada Hirshabeelle, iyadoo Cabdifataax Afrax uu horey uga soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, isla markaana uu dhowaan ku biiray JSP.