Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa si rasmi ah uga hortimid korodh ku yimid qiimaha roodhida oo ay dhawaan ku dhawaaqeen xubno sheegtay inay metelaan “Ururka Warshadaha roodhida” ee Somaliland.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ururkaasi aanu ka diiwaangashnayn Wasaaradda, isla markaana aanu lahayn shakhsiyad qaanuuni ah oo u oggolaanaysa inuu si rasmi ah ugu hadlo ama ugu metelo ganacsatada iyo shirkadaha warshadaha roodhida.
Wasaaraddu waxay sheegtay in, inkasta oo ay jiraan isbeddello dhaqaale oo caalami ah, aanay xilligan jirin sabab la taaban karo oo ay ku salaysnaan karto korodhka qiimaha roodhida, oo ay ku tilmaantay mid ka mid ah raashinka aasaasiga ah ee bulshada Somaliland sida joogtada ah u isticmaasho.
Waxay sheegtay in korodhka qiimaha roodhidu uu culays dhaqaale oo dheeraad ah ku keeni karo qoysaska iyo dadka dakhligoodu hooseeyo, iyadoo sidaas darteed Wasaaraddu aanay aqbalayn korodhka qiimaha ee lagu dhawaaqay 26 September 2026.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa sidoo kale ugu baaqday dadka sheeganaya inay matalaan “Ururka Warshadaha Roodhida” inay caddeeyaan sharcinimada jiritaanka ururka, isla markaana ay u hoggaansamaan xeerarka iyo nidaamyada Wasaarada.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in urur ama iskaashato ganacsi oo aan lahayn shakhsiyad qaanuuni ah isla markaana aan si waafaqsan sharciga uga diiwaangashnayn aanu xaq u lahayn inuu magaca ama matalaadda ganacsatada iyo shirkadaha isticmaalo, iyadoo sheegtay in cid kasta oo ka hor timaadda nidaamka sharciga ah lala tiigsan doono sharciga.
Ugu dambayn, Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa sheegtay inay mudnaan siinayso ilaalinta danta guud, maciishadda bulshada iyo xasilloonida suuqa, iyadoo adkaysay in ganacsigu u baahan yahay inuu ku socdo si waafaqsan xeerarka.













