Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Magaalada Baydhabo oo Ciidamadda Dawladda Federalku Guulo ka Sheegteen.

0
8

Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa sheegay inay maanta fashiliyeen weerar ay dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamo la safan oo taabacsan nidaamkii hore ee maamulka Koonfur Galbeed ee uu hogaaminayay Cabdicasiis Laftagareen ku qaadeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Warbaahinta ciidamada Soomaaliya, SNA Radio, ayaa sheegtay in weerarka uu ku billowday qaraxyo, kaddibna ay dagaalamayaasha Al shabaab isku dayeen inay gudaha u soo galaan magaalada.

Sida ay SNA Radio tebisay, ciidamada dowladda ayaa si xooggan uga hortagay weerarka, iyagoo sheegay inay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday gaarsiiyeen khasaare culus.

Ciidamada Qalabka Sida ayaa sidoo kale sheegay inay weli si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada Baydhabo, isla markaana ay howlgallo ka wadaan deegaannada ay u carareen dagaalamayasha Al shabaab ee  weerarka soo qaaday.

SNA Radio ayaa intaas ku dartay in maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday ay goobta uga carareen meydad iyo dhaawacyo, inkastoo aan warbaahinta ciidamadu soo bandhigin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Baydhabo ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahayd goob ay ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo amni, iyadoo magaalada ay sidoo kale ka dhaceen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.