Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku wargaliyay Golaha Ammaanka ee Qaraamda Midoobay in dadaallo wada-hadal oo ay qayb ka ahaayeen Turkiga iyo dalalka Quad, aysan suuragelin in lagu gaaro heshiis ku saabsan qaabka doorashada Soomaaliya.
Golaha ayaa warqad uu u diray Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Jérôme Bonnafont, ku sheegay in dhowr isku day oo lagu doonayay in dhinacyada Soomaalidu ay heshiis siyaasadeed ka gaaraan khilaafaadka doorashada ay fashilmeen.
Sida ku xusan warqadda, Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay inuu dadaallo kala duwan ku bixiyay sidii loo heli lahaa heshiis siyaasadeed, isagoo xusay in geeddi-socodkii ugu dambeeyay la bilaabay bishii Juun 2026, xilli ay dadaallada dhexdhexaadinta ku jireen Turkiga iyo dalalka loo yaqaan Quad.
Golaha ayaa sheegay inuu miiska wada-hadalka soo dhigay qaab doorasho oo uu ku tilmaamay mid u furan dhinacyada kala duwan, isla markaana uu sameeyay tanaasullo uu sheegay in looga gol lahaa in heshiis la gaaro, balse ay Dowladda Federaalka Soomaaliya hor istaagtay dadaalladaas.
Waxa uu sheegay in fashilka wada-hadallada uu kusoo beegmayo xilli Soomaaliya ay wajahayo xiisad siyaasadeed iyo dastuur oo saameyn ku yeelatay xiriirka Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Golaha Mustaqbalka, oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaal mucaarad ah iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, ayaa sheegay in Puntland iyo Jubaland aysan xiriir la lahayn Muqdisho.
Waxa kale oo uu Golaha sheegay in Koonfur Galbeed ay ku jirto xaalad iska horimaad hubeysan, halka Galmudug iyo Hirshabelle ay wajahayaan khilaafaadyo la xiriira doorashooyinka.
Golaha ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay adeegsatay awood ciidan si ay u xalliso khilaafaadyo siyaasadeed, isagoo soo qaatay dhacdooyin uu sheegay inay ka dhaceen Jubaland, Muqdisho iyo waqooyiga Gaalkacyo.
Qoralka ayaa lagu sheegay in bishii Agoosto ay Dowladda Federaalka hub iyo shaqaale ku daabushay waqooyiga Gaalkacyo, taas oo uu Golaha sheegay inay horseeday iska horimaad hubeysan, khasaare soo gaaray dad rayid ah iyo barakac.
Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale Golaha Ammaanka ka dalbaday in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo weerar duqayn oo uu sheegay inuu ka dhacay Doolow 3-dii Sebtembar.
Waxa uu Golaha Ammaanka ugu baaqay inuu qabto fadhi rasmi ah oo looga hadlayo xaaladda dastuuriga iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, ka hor inta uusan dhammaan waajibaadka UNTMIS 31-ka Oktoobar 2026 iyo ka hor inta aan dib loo cusboonaysiin waajibaadka howlgalka AUSSOM.
Golaha ayaa sidoo kale dalbaday in la taageero hannaan doorasho oo loo dhan yahay, isla markaana la sameeyo hannaan caalami ah oo dhexdhexaadin iyo dammaanad-qaad ah oo lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed.
Waxa kale oo uu codsaday in la helo hannaan madax-bannaan oo lagula socdo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, gaar ahaan geeddi-socodka doorashooyinka iyo arrimaha dastuurka.
Golaha Mustaqbalka ayaa ugu dambeyn sheegay in xaaladda Soomaaliya ay gaartay meel u baahan in Golaha Ammaanku si gaar ah uga fiirsado mustaqbalka howlaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee dalka.













